Trump oo sheegay in Maraykanka iyo Midowga Yurub colloobeen.

0
565

Trump oo sheegay in Maraykanka iyo Midowga Yurub colloobeen.

Gudoomiyaha Midowga Yurub ayaa dhaliilay hadalkii Donald Trump ee ahaa in Maraykanka iyo Midowga Yurub ay haatan col yihiin.

Donald Tusk ayaa sheegay in Maraykanka iyo Midowga Yurub ay run ahaantii yihiin jaal wanaagsan, qof kasta oo sheega in ay colloobeena uu yahay mid fidinaya war been ah.

Waraysi uu siiyey Telefishanka CBS, ayaa Trump waxa uu Midowga Yurub ku barbar dhigay Ruushka iyo Shiinaha waxaanu sheegay in dhamaantood ay la loolamayaan Maraykanka. Waxaanu sheegay in ay xaga ganacsiga ka helaan faa’iido ka badan Maraykanka ta uu isagu dalalkooda ka helo.

Booqashadii uu ku tagay Ingiriiska ayaa tobannaan kun oo qof oo mudaharaadaya ay iskugu soo baxay wadooyinka badhtamaha London oo ka soo hor jeeda booqashadiisa.

Intii uu Trump Boqoradda Elizabeth kula shaahaynayey Qalcadda Windsor, ayaa waxa fagaaraha Trafalgar, ee badhtamaha caasimadda iskugu soo baxay dad aad u badan oo mudaharaadayey oo dhaleecaynayey siyaasadihiisa.

Arimaha ay aadka u dureen waxa ka mid ahaa sida uu ula dhaqmay soo galootiga Maraykanka gala iyo siyaasadihiiisa ku aadan isbedelka cimilada.

Waxa meelo kale oo Britain ah ka dhacay mudahaaradyo kale, waxaana la filayaa in kuwo kale ka dhacaan Scotland oo uu horraanta todobaadkan booqasho ku tagayo si uu ugu soo ciyaaro Golf mid ka mid ah goobaha lagu ciyaaro oo uu isagu leeyahay.

Trump dariiqyada kulama kulmin mudaharaadayaasha hase yeeshee wuxu sheegay in ay dareensiiyeen in aan dalka laga soo dhawaynayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here