Safaarada Eritrea ay ku lahayd Addis Ababa oo dib loo furay+Muuqaalkeeda Oo doorsoomay

0
656

Safaarada Eritrea ay ku lahayd Addis Ababa oo dib loo furay+Muuqaalkeeda Oo doorsoomay

Safaarada Eritrea ay ku lahayd magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa labaatan sano kadib dib loo furay, iyadoo labada dal ay dib u soo celiyeen xiriirka diblumaasi.

Munaasabada furista safaarada ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyaga oo si wadajir ah u lulay calanka Eritrea.

Safaaradaha waxa ay astaan u yihiin xiriirka labo dal marka laga hadlayo labada dal ee dirirta culus ay dhexmartay ee Itoobiya iyo Eritrea, safaaradahooda waxa ay ahaayeen kuwa xiran muddo 20 sano ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa booqday halkii ay ku ooli jirtay Safaaradda Eritrea,  Sawirro goobta laga soo qaaday waxa ay ahaayeen kuwa lagu ashqaraaro, wax kasta oo safaaradda yiilayna waxaa fuulay boor aad u badan, gidaarada waxaa qabsaday xuub caaro, mana ka muuqanin wax saan bini’aadam ah oo halkaasi jaan dhigtay tan iyo intii safaaradaas la xiray 20 sano ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here