Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareyn dusha uga tuuray madaxwaynihii isaga ka horreeyay Barack Obama

0
621

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareyn dusha uga tuuray madaxwaynihii isaga ka horreeyay Barack Obama

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareyn dusha uga tuuray madaxwaynihii isaga ka horreeyay Barack Obama taasi oo ku saabsan eedeynta in Ruushka ay jabsadeen macluumaad si ay gacan u siiyaan Trump in uu ku guulaysto doorashadii 2016.

“Maxay wax uga qaban waayeen?” waxaa uu sidasi ku soo qoray bartiisa Tweeter-ka, isaga oo intaasi ku daray in Mr Obama arrintan loo sheegay ka hor codeynta doorashada.

Arrintan ayaa kadambaysay ka dib markii madaxwayne Trump lagu cadaadiyay in uu baajiyo kulanka lagu wado in Isniinta uu la yeesho dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ka dib markii eedeeyn loo soo jeediyay Jimcihii 12 sarkaal oo Ruushka u dhashay.

Xukuumadda Ruushka ayaa beenisay eedeeynta ah in ay u dhaceen macluumaad la xiriira doorashadii Mareykanka ee 2016.

Mr Trump ayaa lagu wadaa in uu kulan kula yeeshay Mr Putin caasimada dalka Filand ee

Ruushka ayaa dhankooda waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin kulanka Trump iyo Putin.

“Waxaa aan wadaxaajoodka Trump u aragnaa mid saaxibtinimo,” waxaa sidaasi sheegay Mr Yuri Ushakov la taliyaha aqalka Kremlin ee Ruushka looga arrimiyo.

Waxa uu intaa ku daray in xiriirka labada dal imika uu liito islamarkana ay tahay in la billaabo sidii loo hagaajin lahaa.

Balse arrinta in Ruushka ay faragalin ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ayaa dhalisay dood kulul oo u dhaxaysa Washington iyo Moscow.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Rod Rosenstein ayaa ku adkaystay “in u jeedada dadka maleegay arrintan ay ahayd in ay doonayeen in ay galaangal ku yeeshaan doorashada .

Balse wasaarada arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dhankeeda ayaa ku tilmaamtay eedeeymahan “in ay yihiin qorsha lagu doonayo in lagu dhaawaco jawiga ka hor kulanka Trump iyo Putin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here