Maxey Tahay Sababta “Ragga Foosha Xun” Ay Lacago Farabadan Ugu Bixiyaan Guurka? (Cilmi-baaris)

0
843

Maxey Tahay Sababta “Ragga Foosha Xun” Ay Lacago Farabadan Ugu Bixiyaan Guurka? (Cilmi-baaris)

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Western Oregon ee gudaha dalka Mareykanka ayaa ogaaday in dumarka isku arka iney qurux badan yihiin ay hadiyado qaali ah iyo mucaamal ragga kale ka duwan ay ka fishaan ragga aan qurxooneyn.

Sida jariidada Daily Mail ay qortay cilmi-baarayaasha ayaa waxey sameeyeen ra’yi uruurin ay ka qeybgaleen 590 dumar ah, waxaa loo soo bandhigay sawirrada rag guur doon ah. Cilmi-baarayaashu waxey arkeen ragga ay dumarku u arkaan iney foolxun yihiin iney ku xireen kharash farabadan, si ay magdhow uga dhigtaan muuqaalkiisa.

Dhanka kale, cilmi-baaraashu waxey tilmaamayaan in hadiyadaha qaaliga ah oo si xad dhaaf ah loo bixiyo ay dumarka illowsiiso muuqaalka aan soojiidashada lahayn ee ragga tartanka ugu jira guurkooda ee foosha xun.

Si kastaba ha aheetee, in hadiyado qaali ah iyo dahab farabadan dumarka loo iibiyo ma damaanad qaadayso guur lagu xasilo oo waqti dheer sii jira, sanadkii 2014 khubaro ka tirsan jaamacadda Emory ee dalka Mareykanka ayaa ogaaday, mar kasta oo uu guurka kharashkiisu bato fursaddda furniinkuna ay ku badato. Guurka kharashka badan la geliyo furriinkiisuna meel dheer ma jiro.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here