“Somaliland Ma Joogto Shirka Biljimka,” Wasiir Cawad

0
654

Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in aanay Somaliland qayb ka ahayn shir magaalada Brusells ee caasimadda Biljimka uga furmaya Soomaaliya iyo dalalka daneeya. Waxa shirka jooga madaxda maamul goboleedada iyo madaxdaFederaalka oo Madaxweyne Farmaajo hoggaaminayo.Shirkan arrimaha Soomaaliya siiba dib u dhiska ciidamada iyo ammaanka lagaga hadlayo lana filayo in dhaqaale loogu ururiyo waxa guddoomin doona madaxweyne Farmaajo, madaxa siyaasadda ee Midawga Yurub iyo wasiirkaarrimaha dibadda Sweden waxaana qaban qaabisay Midawga Yurub.Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Mr Cawad oo laanta afka Soomaaliga ee VOA waydiisay in wefti Somaliland ka socda joogo shirka waxa uu ku jawaabay “Ma arkin dad Somaliland ka socda.”Waxa shalay baraha bulshada iyo saxaafadda lagu faafiyay in Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID ka qayb galayo shirka isaga oo metelaya xukumadda maaddaama uu galangal badan u leeyahay laakiin, lama oga suurta galnimada in uu fadhiisto shir madaxweyne Farmaajo guddoominayo iyo ujeedka laga leeyahay in Faysal ka qayb galo shirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here