Turkiga iyo Qatar oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

0
604

Turkiga iyo Qatar oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii iyo weeraradii shalay Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay inay ka xun tahay weerarkaas, isla markaana weerarada Al-Shabaab ka fuliyaan Muqdisho looga gol leeyahay in lagu burburiyo dadaalada dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ugu jiraan degenaahshaha Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa iyana cambaareysay weerarkaas, waxaana ay tilmaamtay inay sii wadeyso taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka si toos taageera dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here