Al-Shabaab oo labo ruux ku fulisay dil toogasho ah degmada Jilib

0
869

Al-Shabaab oo labo ruux ku fulisay dil toogasho ah degmada Jilib

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay shalay gelinkii dambe labo ruux ku fulisay dil toogasho ah, kaddib markii lagu soo eedeeyay inay horay dil u geysteen.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fulisay dilka qisaasta ee labada nin oo lagu kala magacaabayay Gaabow Yare Ibraahim oo 36 Sano jir ah iyo Maxamed Bashiir Cabdi oo 29 sano jir ah, kuwaasoo dil u geystay nin xoolo dhaqato ah oo lagu magacaabi jiray Guudle Caddaan Xasan.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee xukunka riday ayaa fagaare ka sheegay in labada nin ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay.

Al-Shabaab ayaa horay xukunno dil ka fuliyay fagaare ku yaalla deegaanada ay maamulaan, waxaa dilalka qaar ka mid ahaa rag lagu eedeeyay inay u basaasayeen sirdoonada reer galbeedka iyo kuwa dalalka deriska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here