Tartankii Koobka Aduunka oo maanta la soo gabagabaynayo

0
706

Tartankii Koobka Aduunka oo maanta la soo gabagabaynayo

Waxa maanta la soo gabogabaynayaa tartankii kubadda cagta Aduunka ee ka socday dalka Ruushka, waxaana ciyaarta final ka ah gorrodda isku dari doona xulka Croatia iyo ka Faransiiska.

Ciyaaritii shalay dhacday ee loogu tartamayey kaalinta saddexaad ayaa waxay guushu laba gool iyo eber ku raacday xulka Belgium ka oo wacdaro tusay xulkii Ingiriiska.

Madaxa xidhiidhka kubadda cagta aduunka ee FIFA, Gianni Infantino, oo ka hadlayey sidii tartankaa gabogabada ah ee Ruushku marti geliyey loo agaasimay ayaa waxa uu sheegay in uu wax ka bedelay aragtidii Ruushku iska qabay iyo tii dunidu Ruushka ka qabtayba.

Waxaanu intaa ku daray in tartankaa Koobka Adduunka uu aragti ka duwan tii hore dunidu uga haysatay Ruushka soo bandhigay iyo in agaasinkii Ruushka ee marti gelinta tartanku ahaa kii ugu fiicnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here