Kenya Oo Marti-gelisay Shir Caalami Ah Oo Looga Hadlay Burcad Badeedda Soomaaliya

0
713

Kenya, waxa ay khamiistii marti-gelisay shir caalami ah kaas oo ay ka qeyb galeen wufuud ka badan 200 oo ka kala socotay 68 dal, waxaana xoogga lagu saaray sidii loo heli lahaa istaraatiijiyad lagu cirib tiro burcad badeedda Soomaalida.Shirkan oo ahaa kii 21aad oo ay isugu yimaadaan kooxda ku midowdey la dagaalanka burcad badeedda Soomaalida ee loo yaqaano (CGPCS) , waxaa ka soo qeyb galay wasiirro, diblomaasiyiiniyo khubaro xagga amniga ah, waxaa lagu lafa-guray sidii loo heli lahaa aragti mideysan oo looga hortago khatarta ay burcadda ku hayaan xeebaha Soomaaliya iyo galbeedka AfrikacKenya Oo Marti-gelisay Shir Caalami Ah Oo Looga Hadlay BurcadBadeedda Soomaaliya.Raychelle Omamo, oo ah wasiirka gashaandhigga Kenya waxaa ay sheegtay in burcad badeedda Soomaalida ay khatar ku tahay dhaqaalaha gobolka isla markaana ay waajib tahay in la cirib tiro.“Waa in aan ka wada shaqeyno sidii loo cirib tiri lahaa khatarta amni ee burcad badeedda ku hayaan horumarka geeska Afrika” sidaa waxaa tiri Omamo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here