Wefti Reer Somaliland Ah oo Ay Hogaaminayaan Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Bariga Burco oo Garoowe Gaadhay iyo Ujeedada Socdaalka + Doorka Xukuumaddu Ku Leedahay.

0
693

Wefti Reer Somaliland Ah oo Ay Hogaaminayaan Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Bariga Burco oo Garoowe Gaadhay iyo Ujeedada Socdaalka + Doorka Xukuumaddu Ku Leedahay.

Xubno isugu jira madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo ganacsato reer Somaliland ah ayaa la sheegay inay gaadheen magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Waftigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa saddex ka mid ahi ka soo jeedaan bariga Burco, halka saddex kalena ka soo jeedaan Hargeysa, waxaana weheliya laba dhakhtar oo ka soo jeeda Boorama.
Xubnaha bariga Burco ka soo jeeda ayaa kala ah Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo nin loo yaqaano Ina Bidde, sidoo kale xubanaha reer Hargeysa ayaa waxa hogaaminaya ganacsadaha Jamaal Caydiid.
Waftigan ayaan ujeedadiisu caddayn iyadoo guud ahaanba laga qariyey warbaahinta iyo bulsho weynta hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa inay u wakiilatay inay nabad ugu baaqaan maamulka Garoowe.
Dhinaca kale wararka soo baxaya waftigan ayaa intaas ku daraya inaan waji fiican lagu qaabilin maadaama waftigan ujeedadiisu caddahay, waxaase la dhawrayaa halka uu xaalku saldhigto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here