Madaxweynaha Uganda Museveni oo amray in xildhibaannada Tikniko la siiyo

0
639

Madaxweynaha Uganda Museveni oo amray in xildhibaannada Tikniko la siiyo

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay siin doonto mudaneyaasha baarlamaanka gaadiidka gaashaaman (tikniko) iyo shiishyahanno milateriga ka tirsan, ka dib dhowr dil oo loo gaystay dad sare.

Warqad loo diray wasiirka maaliyadda, ayuu Mr Museveni ku sheegay in nidaamka cusub ee amniga uu noqon doono mid saa’id ka ah ilaalada hubaysan ee booliska ee horeba loo siiyey afarta boqol ee xildhibaan ee baarlamaanka Uganda.

Bishii hore,ayaa xildhibaan caan ah toogasho lagu dilay magaalada kampala gudaheeda, waxaana ka sii horreeyey dil aan xal laga gaarin oo loo gaystay Dacwad ooge xukuumadeed iyo taliye boolis.

Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ayaa ku tilmaamay talaabooyinkan cusub ee xagga amaanka kuwo lagu khasaarinayo lacagta dadweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here