Mareykanka Oo Weli Xal U La’ Mideynta Carruurta Iyo Waalidiintooda

0
649

Mareykanka Oo Weli Xal U La’ Mideynta Carruurta Iyo Waalidiintooda

(DLN-Washington)-Afar iyi toban beri ka hor xaakim heer federaal ah ayaa dowladda Mareykanka ku amray in la sii daayo carruurta da’doodu ka yartahay 5 sanno oo lagu hayo xarumo ay dowladda leedahay.

Waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan carruuta lala mideeyo waalidiintooda.

Qaar ka mid ah caruurtan waxaa lagu hayaa goobo kumannaan kiiloo mitir u jirta halka ay waalidkood ku noolyiiin.

Dowladda Mareykanaka ayaa sheegtay in haatan ilaa afar carruur ah ay la midoobeen waalidkood halka 34 kalana lagu wado in maalinta talaadada ah loo geeyo waalidkooda.

Waxay sheegeen in 75 carruur ah oo kaliya ay macquul tahay in lala mideeyo waalidkood sababo la xiriira dhanka gaadiidka iyo waalidiinta qaar oo maxaabiis ah.

Garyaqaanada ayaa dowladda ku dhaleeceyay in xitaa aysan isku dayin in ay la xiriiraan waalidinta carruurta dhalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here