Faransiiska oo 1-0 uga badiyay Belgiumka una soo gudbay ciyaarta Finalka

0
664

Faransiiska oo 1-0 uga badiyay Belgiumka una soo gudbay ciyaarta Finalka

Xulka Faransiiska ayaa u soo gudbay kulanka kama dambeysta ah ee ciyaaraha adduunka kadib markii 1-0 uu ugaga badiyay xulka Belgiumka.

Daafaca xulka Faransiiska ee Umtiti ayaa u dhaliyay goolka guusha dalkiisa kadib markii kubbada koone ah uu madax meel gees ah kubbada shabaqa ugugu hubsaday.

Xulka Faransiiska ayaa la ciyaari doona ciyaarta finalka ah labada xul ee  England iyo Croatia dalkii soo badiya kulanka Arbacada.

Ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Ruushka ayaa waxaa lagu reebay wareegyadii ugu horeeyayba dalal la rumeysnaa inay yihiin kuwa ku guuleysan kara.

Xulka Belgiumka ayaa ka mid ahaa dalalkii loo saadaalinayay sanadkan inay ku guuleysan karaan ciyaaraha adduunka hase yeeshee waxa ay ku hareen ciyaarta Semi finalka oo ay isku soo beegmeen xulka Faransiiska oo ka mid ah wadamada sanadkan muujiyay awood dheeri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here