Al-Shabaab oo ku hanjabay inay ka hortagayaan qorshaha Itoobiya kula wareegeyso Dekedaha Soomaaliyeed

0
826

Al-Shabaab oo ku hanjabay inay ka hortagayaan qorshaha Itoobiya kula wareegeyso Dekedaha Soomaaliyeed

Al-Shabaab ayaa markii u horeysay war rasmi ah ka soo saaray heshiiskii bishii la soo dhaafay dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee ku saabsanaa afar dekadood oo Itoobiya maalgashaneyso.

Mahad Warsame oo loo yaqaano Mahad Karateey oo ka mid ah Hoggaanka ugu sareeya Al-Shabaab ayaa hadal uu jeediyay oo laga sii daayay idaacada Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in qorshaha Itoobiya loogu gacan gelinayo Dekedaha Soomaaliyeed uu qeyb ka yahay damacii Itoobiya ee ahaa inay Soomaaliya oo dhan qabsato.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo ka hor la dagaalamayeen Itoobiya, si ay uga hortagaan damaceeda guracan ee ahaa inay qabsato dhulka Soomaaliyeed.

“Jihaadka dadkii naga horreeyay ay la galeen Xabashida Itoobiya, ee khalqiga aan yarayn ee Muslimiin ah ay ku shahiideen oo uu ku jiro Hogaamiyihii Muslimiinta Axmad Gureey, Malaayiin gaalo ahna lagu laayay, waxaas oo halgan ah waxa loosoo galay waxay aheyd in Diinta Islaamka iyo Dadka Muslimiinta ah lagu difaaco, Damaca gurracan ee Gaaladaas xabashidana la iskaga caabiyo” ayuu yiri Mahad Karateey.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiska dekedaha lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii ka soo yeeray Abiy Ahmed ee ahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya la mideyn doono uu yahay qorshe deggan oo ay qasab tahay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya ay hirgeliyaan xoog ama xeelad midey doonaan haku keenaan.

Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay in muddo si hoose ugu howlaneyd qorshaha la wareegitaanka Dekedaha, isla markaana ay jirto waddo laga soo bixiyay gudaha Itoobiya, lana doonayo in la soo geliyo Dekeda Hobto oo uu xusay inay ka mid tahay dekedaha lagu wareejiyay Itoobiya, balse ay Mujaadihiinta ka hortageen oo lagu joojiyay nawaaxiga Caabudwaaq, sida uu yiri.

Mahad Karateey ayaa sheegay in Madaxda Soomaalida ee Baasaboorada shisheeye wata ay leeyihiin halistooda, una soo shaqo tagay sidii ay dhulka iyo badda Soomaaliyeed uga iibsan lahaayeen Itoobiya iyo Kenya sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo oo ah nin Maraykan ah, kana tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga la yiraahdo, wuxuu dadka Soomaaliyeed ku beer-laxawsaday inuu yahay wadani Soomaali ah, balse markii uu kursiga ku fariistay wixii ugu horeeyay ee uu qabtay waxay ahayd inuu xabashida u gacangeliyo qof walba oo Soomaali ah oo ay ka dalbadaan, Maantana wuxuu saxiixay in dekedaha dalka ay Xabashidu la wareegto. Dhulka, cirka iyo badda Soomaaliyeed”ayuu yiri Mahad Karateey.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in haddii aysan dadka Soomaaliyeed baraarugun Caasimadda Itoobiya laga dhigi doono Muqdisho, sida Caasimadda Yuhuudda looga dhigay Qudus, waxaana uu tilmaamay in aanay marnaba aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya lagu wareejiyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here