Madaxweynaha Somalia Farmajo iyo wafdigii uu horkacayey oo dalka ku soo laabtay

0
1593

Madaxweynaha Somalia Farmajo iyo wafdigii uu horkacayey oo dalka ku soo laabtay

Muqdisho (Dalmar-News)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaTurkiga loogu soo dhaweeyay hab-maamuus sare, isagoona ka mid ahaa 20 hoggaamiye oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here