8-sano oo Raadin Ah Kadib.. Waxaa Gacanta Lagu Dhigay Yaxaas Miisaankiisu Yahay 600 Kg!

0
1426

8-sano oo Raadin Ah Kadib.. Waxaa Gacanta Lagu Dhigay Yaxaas Miisaankiisu Yahay 600 Kg!

Shaqaalah beer lagu xanaaneeyo xaywaanka oo ku talla Waqooyiga Australia ayaa waxey ugaarsadeen Yaxaas weyn oo miisaankiisu yahay 600 kg, kadib markii ay ku dabajireen muddo 8 sanno ah oo ay ka baadi goobayeen goob kasta oo laga heli karo.

Jariidada “Daily Mail” ee Australia ayaa sheegtay in dhirirka Yaxaaskani uu gaarayo 4.7 mitir, dadka deegaanka Katherine ayaa markii ugu horreysay arkay sanadkii 2010.

Sida dhakhaatiirta xoolaha ay sheegeen da’da Yaxaaskan waxaa lagu qiyaasayaa 60-sano.

Madax kooxda ugaarsiga Yaxaaskan u xilsaaneyd oo la yiraahdo John Burke ayaa waxa uu yiri, : “Waxaan raacnay waddo kasta si aan Yaxaaska gacanta ugu dhigno, way nagu adkayd inaan qabanno weyninkiisa dartii.. aadbaan ula yaabnay markii aan qabannay.”

Yaxaaska ayaa lagu xareeyay beer gaar ah oo xamaaratada loogu talagalay si dadka looga ilaaliyo. Madaxda qeybta duurjoogta ee Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska Waqooyiga Australia ayaa yiri: “Waa Yaxaaskii ugu weynaa ee aan ka qabanno webiga Catherine”.

Roxanne Fitzgerald@rfitz18

NT Parks and wildlife have caught the biggest croc in Katherine to date. Rangers have been chasing the 4.71 m saltie for 10 years.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here