Kooxda Man. United oo casuuntay caruurtii ku go’doontay bohosha oo dhamaantood la soo saaray

0
961
Four Thai Navy Seals are seen after leaving the cave during the rescue mission, Chiang Rai Province. Thai Navy Seal/via REUTERS

Kooxda Man. United oo casuuntay caruurtii ku go’doontay bohosha oo dhamaantood la soo saaray

Waxaa guul ku soo dhamaaday badbaadinta 12 ka wiil iyo tababarahooda kubbadda oo ku xannibnaa bohosha ay biyuhu ugu galeen ee waqooyiga Thailand, ka dib markii dadka biyaha quusa ay soo dhamaystireen hawshii ay dibadda ugu soo saarayeen.

Shantii u dambaysay ayaa la soo saaray Talaadadii gelinkii dambe ka dib markii ay halkaas ku xayirnaayeen 17 maalmood.

Hawlgalkii lagu soo samato bixinayay carruurta iyo tababarahooda oo ahaa mid aan sahlaneyn ayaa indha caalamka soo jiitay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Dabaaldeg ayaa ka billawday dalkaas ku yaala Koonfurta Bari ee Aasiya kaasoo lagu soo dhoweynayo badbaadinta caruurtaas.

Sacab ayaa is qabsaday agagaarka bohosha Tham Luang oo ku taalla gobolka Chiang Rai, ka dib markii la soo afjaray hawlgalkii samato bixinta oo ay ka qaybqaadanayeen tobannaan dadka biyaha mukhuurta ah iyo boqolaal kale oo shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Dadka baraha bulshada isticmaala ee reer Thailand ayaa dareenka iyo farxadda ku soo bandhigay #Heroes iyo #Thankyou oo ah #Halyayo iyo #Waad mahadsan tihiin.

Kooxaha kubadda ee caalamiga ah sida Manchester United iyo Benfica ayaa 12ka wiil, tababarahooda iyo shaqaalaha gurmadkaba casuumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here