14 Qof Oo Lagu Dilay Qarax Bambo Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

0
784

14 Qof Oo Lagu Dilay Qarax Bambo Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

(DLN-Pakistan)-Qarax lagaga shakiyey inuu yahay mid ismiidaamineed ayaa Talaadadii xalay ka dhacay goob dad doorashooyinka u ololeynayaa ay iskugu soo baxeen. Qaraxan oo ka dhacay woqooyi galbeed dalka Pakistan ayaa dilay ugu yaraan 14 qof oo uu ku jiro murashax baarlamaanka gobolka ah. Qaraxa ayaa sidoo kale dhaawacay 45 kale.

Bambada ayaa ku qaraxday bartamaha magaalada Peshawar oo ah xarunta gobolka Khyber Pakhtunkhaw, markaas oo Haroon Bilour oo ah sarkaalka la dilay uu u sii socday goobtii uu kula hadli lahaa taageerayaashiisa xisbiga calmaaniga ah ee Awami National Party oo loo soo gaabiyo ANP. Booliiska iyo dad kale oo goob joog ahaa ayaa warkan laga soo xigtay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, kaas oo yimid labo toddobaad ka hor xiliga dalkaas Pakistan uu qabsan doono doorashooyinka qaran iyo kuwa baarlamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here