Xulka Faransiiska iyo Beljimka oo u soo baxay Semi-finalka ciyaaraha adduunka

0
761

Xulka Faransiiska iyo Beljimka oo u soo baxay Semi-finalka ciyaaraha adduunka

Xulalka Faransiiska iyo Beljimka ayaa u soo baxay semi finalka ciyaaraha adduunka kadib markii ay ka badiyeen xulalka Uruguay iyo Brazil.

Xulka Faransiiska ayaa  ugaga badiyay xulka Uruguay 2-0 halka xulka Beljimka uu ku suul-daaray xulka Brazil 2-1. Ciyaaraha adduunka ee heer gabagabo ah maraya  ayaa u muuqdan in sanadkan dal aan hore ugu guuleysan ay dhici karto in uu ku guuleysto kadib markii laga reebay dalal hore loogu saadaaliyay inay ku guuleysan karaan.

Dalalka ka socda qaarada Yurub ayaa  haatan waxa ay calaamadeysteen inay ku guuleysanayaan tartanka ciyaaraha adduunka kadib markii maanta la reebay dalalkii ugu dambeeyay ee ka socday Latin Ameerika.

Xulka France ayaa goolka hore waxaa u dhaliyay daafacooda Raphael Varane kadib markii uu madaxa ku dhaliyay kubbad laad toos ahayd kadib markii qalad laga dhigey xulka Uruguay.

Hase yeeshee xulka Uruguay oo uu kamaqnaa Cavani oo ahaa ciyaarhanka goolasha u dhalinayay ayaa qalad uu galay goolhaye Fernando Muslera waxa ay ciyaarta ka dhigtey mid xulka Faransiiska u sahashay u soo gudbida ciyaaraha semifinalka.

Hase yeeshee ciyaar adag ayay xulka Beljimka waxa ay ugu soo gudbeen semifinalka kadib markii qeybtii dambe ee ciyaarta xulka Brazil ay kubado badan iska qasaariyeen.

Labada gool ee xulka Beljimka ayaa waxa ay heleen qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo goolka hore uu ahaa mid ay iska dhaliyeen ciyaaryahanada Brazil waxana garabka ugaga dhacday koone la soo laaday Fernandinho.

Balse goolka labaad ayaa waxaa u dhaliyay xulka Beljimka Kevin de Bruyne oo ka mid ahaa ciyaaryahanada ugu wanaagsanaa xulka beljimka.

Hase yeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa xulka Brazil  waxa ay soo bandhigeen kubadihii lagu yiqiin balse dadaalkooda waxa ay dhaafin weyday inay hal gool soo celiyaan.

Renato Augusto oo bedel ku soo galay ayaa kubbada madax ah u dhaliyay xulka Brazil waxana uu Renato bedelkiisa kadib ay noqotay mid xulka Beljimka ay neefta ku xirmato.

Xulka Faransiiska iyo xulka Beljimka ayaa ciyaarta semifinalka waxa ay ciyaari doonaan maalinta talaadada ee soo socota iyadoo la dhowrayo labada xul ee soo  guuleysta kulanka ay Sabtida yeelanayaan xulalka Swden iyo England iyo weliba xulka Ruushka iyo Croatia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here