DEG DEG : Dagaal Saaka Dib Uga Qarxay Deegaanka Tuke-raq+Khasaaraha ilaa Haatan ka Dhashay 

0
770

DEG DEG : Dagaal Saaka Dib Uga Qarxay Deegaanka Tuke-raq+Khasaaraha ilaa Haatan ka Dhashay

Wararka aanu ka helayno deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi laga maqlay dhawaq madaafiic ay is weydaarsanayaan ciidamadda qaranka Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka ee isku hor-fadhiya aagga hore ee Tuke-raq.

Wararka aanu helayno ayaa waxa ay intaa ku darayaan inay madaafiicdo socotay muddo ayna jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, walow aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah

Deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool ayaa waxa bilihii u dambeeyay ka taagnayd colaad u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, waxaana guul-darraystay dadaalo ay beesha Caalamku ku doonaysay in xal lagaga gaadho colaada Tuke-raq.

Safar la filayay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tago gobolka Sool ayaa la sheegay in uu dib u dhacay lamana oga sababta keentay dib u dhaca ku yimid safarka Madaxweynaha oo aan gobollada dalka safar ku tagin tan iyo intii la doortay.
Wixii warar ah ee ka soo kordha xaaladda Tuke-raq halkan kala soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here