Somaliland: 7-Qodob oo Laga Soo Calaamadeeyay Imtixaanka “Shahaadiga” Ah ee Sanad Dugsiyeedka 2017/2018

0
664

Somaliland: 7-Qodob oo Laga Soo Calaamadeeyay Imtixaanka “Shahaadiga” Ah ee Sanad Dugsiyeedka 2017/2018

Waxaa si wada jir ah khamiistii ula hadlay saxaafadda Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka, waxey sheegeen in imtixaankii si nabad ah uu ku soo gabagaboobay iyagoona hoosta ka xarriiqay qodobbo ay sheegeen in sanadkan lagu guuleystay.

Daa’uud Axmed Faarax, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka oo ugu horreyn saxaafadda la hadlay ayaa carrabka ku dhuftay dhowr qodob oo ay sanadkan ku guuleysteen iney imtixaanka ka sameeyaan.

1- Imtixaankii oo si nabad ah ku dhacay:

“Saad ka warheysaan manta waxaa inoosoo gabagaboobay imtixaankii sanad dugsiyeedkan 2017/2018 oo ahaa fasallada 4aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8aad ee dugsiyada dhexe dalka oo dhan report-kii ugu dambeeyay ee imika ina soo gaaray si nabadgalyo ah ayuu ku soo dhammaaday, haba yaraatee wax mushkilad ah ama dhibaato ah oo ka dhacay ma jiraan imtixaankii.”, ayuu yiri, guddoomiye Daa’uud.

2- Ardayda Dhagoolayaasha oo luqaddii signal-ka imtixaanka loogu sharraxay:

“Qolooyinkii dhagoolka ahaa oo runtii sanadkan aan talooyinkii qaadannay oo awal dhib bay ku qabi jireen imtixaanka caadiga ah ee ay ardayda dhex fadhiyaan, signal-kii baa lagu fahamsiiyay, awal qoraalka caadiga ah umbay ardayda la geli jireen, dabadeeto afar bilood baa dib loo dhigay imtixaan gaar  ahna waan u sameynnay, ardaydu sidii loogu talagay bay imtixaanka u galeen.”, ayuu yiri guddoomiye Daa’uud Axemd

3-Mobile-ka oo si aad ah loo xakameeyay:

“Sanadkan bahalkii mobile-ka la oranjiray aadbuu uga yaryahay sidii uu hory u ahaan jiray, imtixaankuna waxaad mooddaa inuu sanadkan inuu imtixaannadii kale ka wanaagsanaa, waayo; ardayda wareysigii aanuu la yeelannay aadbay u habbi ahaayeen.”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay guddoomiye Daa’uud.

4-Baraha-bulshada oo la xanibbay saacadaha uu imtixaanku socdo:

“Waxyaabaha aanuu sanadkan ku soo kordhinnay waxaa ka mid ah, inaanu sanadkan sanadkii ugu horreeyay ka dhignay oo aanuu ka xidhnay Social Media-ha, 8:00Am-12:00Pm, taasina taariikhda Somaliland waa markii ugu horreeysay ee ay ka dhacday, guul baaney ku soo dhammaatay, waxaanan rajeynaynaa in arday kastaa ku talageli doono sanadka soo socda in uu in uu imtixaankiisa u diyaargaroobo oo arrintaasi ay soo gabagabeyn doonto qishkii.”, waa sida uu yiri Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo Sayniska Cabdulqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed

5-“Akhlaaqda” oo darajo lagu bixinayo:

“Waxyaabaha kale ee aanuu ku soo kordhinnay sanadkan waxaa ka mid ah inaan ugu talaggalnay in iskuul kasta aanuu ku qiimeynno iyo arday kasta adaabtiisii oo ardaygii ugu edaabta badnaa aanuu siinno darajada ugu sarreysa maadama imtixaankii sanadkan qishkii laga ilaaliyay, waxaanu ku soo kordhinnay inaan edaabta wax ku bixinno.”, waa sida uu hadalka u dhigay wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland.

6-Macallimiinta oo imtixaan qiimeyn ah  loo sameynayo:

“Sanadkan, sida guddoomiyaha imtixaanaadku uu sheegay, waxyaabaha aan u tirinayo iney ardaydu happy ahaayeen waxaa ka mid ah iney wax akhristeen, ardaydana guul baanuu u rajeynaynaa, waxaanuu galeynaa imika sixidii imtixaannadii in la saxo oo la dedejiyo si aan loo habsaamin oo aanu ka gaadhsiinno jaamacadihii iyo waqtigii iyo ciddii geli lahayd. Imtixaanku sanadkan kan oo kaliya maaha, ardaydii baanu imtixaannay macallimiintoodiina waan imtixaaneynaa!, waxaanu dooneynaa in waxbarashadii tayadeedii aanu xoojinno”, waa sida uu yiri Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir ‘Faratoon’.

7-Ardayda farsamada gacanta oo sanadkan ka qeybgalay imtixaanka shahaadiga ah.

Si kastaba, Tirada ardayda Imtixaanka shahaadiga ah u fariisaneysa dugsiga sare ayaa aheyd 9,931 arday , halka 18,256 arday ay dugsiga dhexe yihiin, tirada guud ee imtixaanka gashay waa 28,187(Sideed iyo Labaatan Kun, boqol iyo sideetan iyo tadoba) arday, iyadoo goobaha uu imtixaanku ka dhacay ay gaarayeen illaa 214 xarumood.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here