Akshay Kumar Muxuu ka Yidhi isku dhaca isaga iyo saaxiibkiis John Abraham: Gold iyo Satyameva Jayate

0
1136

Akshay Kumar Muxuu ka Yidhi isku dhaca isaga iyo saaxiibkiis John Abraham: Gold iyo Satyameva Jayate

Superstar Akshay Kumar ayaa markii ugu horeesay ka hadlay isku dhaca isaga iyo saaxiibkiis John Abraham Boxoffice-ka ku dhex mari doono 15-ka Aug 2018 maalinta xurnimada Hindiga.

Akshay Kumar ayaa la weydiiyay aragtidiisa ku aadan filimkiisa Gold inuu ku dhici doono filimka Satyameva Jayate ee John Abraham hogaamiye ka yahay xili John uu sheegay in isaga iyo saaxiibkiis Boxoffice-ka wada qaybsan karaan.

Akki wuxuu yiri “John waa runtiis waa saaxiibkeyga, sidoo kalena dhamaanteena in fanka ku mideesan saaxiibo ayaan nahay”

“Qof kasto ayaa qofka kale filim la saaran karo tartanka waa mid furan, aniga xitaa marka xigta waxaan doonayaa inaan filimkeyga tiyaatarka la saarto filim kale”

Dadka arimaha Boxoffice-ka ka faaloodaan ayaa aaminsan in filimada Gold iyo Satyameva Jayate wada gadmi karaan sidoo kalena tiyaataro ku filan heestaan xiliga la daawanayana ay ku jiraan maalmo badan oo fasaxyo muhiim ah.

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here