Daraasad Cilmiyeed: 850-milyan oo Qof oo La Dhibaatoonaya Cudurrada Kalyaha

0
1189

Daraasad Cilmiyeed: 850-milyan oo Qof oo La Dhibaatoonaya Cudurrada Kalyaha

Daraasad cilmiyeed dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cudurrada kalyo xanuunku ay noqdeen “Dilaa qarsoon”, waxa qaba in ka badan 850-milyan oo qof dunida daafaheeda, waa sida ay sheegayaan khubarada kalyaha.

Sida uu sheegay website-ka caafimaadka Mareykanka “HealthDayNews“, cudurrada kalyaha waxa uu ku Labo laabmaa dadka cudurka macaanku uu hayo oo lagu qiyaaso (422-milyan) oo qof, waxa ku 20 jeer ku laalaabmaa dadka cudurka kansarka uu hayo oo gaaraya (42milyan) oo qof, dadka uu HIV ku dhacay oo gaaraya (36.7 milyan) oo qof, laakiin dadka intooda badan ma oga in cudurka kalyaha uu yahay mushkilad caafimaad oo aad u weyn.

David Harris oo ah madaxa Ururka Caalamiga ah ee Cudurrada Kalyaha ayaa waxa uu yiri: “Waxaa la gaaray waqtigii aan xoogga saarin lahayn cudurrada kalyaha.”

Cilmi-baarayaashu waxey sheegayaan in cudurrada kalyaha aaney inta badna lahayn calaamado xilli hore ah oo cudurka lagu garan karo.

Cudurrada kalyaha ee mudada dheer ee sii jira muddo 3 bilood ka badan, raga qabaa waxey gaarayaan 10%, dumarka qabaana waxey gaarayaan 12% daafaha kala duwan ee dunida, 10.5 milyan oo qof ayaa u baahan in kalyo safayn joogto ah loo sameeyo ama kalyo cusub lagu tallaalo, laakiin in badan oo dadkaa ka mid ah ma helaan daawooyinkii ay u baahnaayeen kharashka oo aad u sarreeya darted.

Arrintaa ku darso, in ka badan 13 milyan oo qof waxaa haya cudurrada kalyaha oo aad u daran oo qaarkood ay keeni karaan kalyaha oo howlgab noqda.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here