Al-Shabaab oo sheegatay Weerarka Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0
762

Al-Shabaab oo sheegatay Al-Shabaab oo sheegatay Weerarka Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taalla agagaarka Taalada Sayidka, iyadoo la sheegayo inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay gudaha u galeen xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee loo yaqaano 888 ama Oto Oto, kuwaasoo ka dhex dagaalamaya xarunta dhexdeeda.

Qaraxa hore oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay afaafka hore ee Koontaroolka Isgoyska Sayidka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare xooggan iyo gaadiid wadada marayay oo saameeyay qaraxa.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa la maqlay rasaas, iyadoo dabley hubeysan oo lagu qiyaasay saddex dagaalame ay gudaha u galeen xarunta, waxaana bilowday rasaas culus oo la is weydaarsanayay.

Sidoo kale is rasaaseynta kaddib ayaa la maqlay qarax kale oo aad u xooggan, kaasoo loo maleynayo inuu ahaa gaarigii ay ka dageen dableydii hubeysnaa.

Wakaalada wararka ee SONNA ayaa soo warineya in ciidamada ammaanka ay wadaan howl gal lagu soo afjaro weerarkii argagixisada ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in shaqaale laga soo badbaadiyay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana lagu soo waramayaa in xilliga la weeraray aanay ku sugneyn Wasiirada Wasaaraddaas, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, kuxigenkiisa iyo wasiiru dowlaha.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana warar lagu qoray baraha internet-ka lagu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta wasaaradda.

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here