Ex Madaxweyne Sheekh Shariif Oo Xukuumada Farmaajo Ugu Baaqay Inay Qanciso Somaliland

0
865

Ex Madaxweyne Sheekh Shariif Oo Xukuumada Farmaajo Ugu Baaqay Inay Qanciso Somaliland

Muqdisho (Dalmar-News)- Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in ay dawladda Federaalku ay la fadhiisato Somaliland, si ay uga qanciso tabashooyinkeeda Badan ee ay ka tirsanayso Xukuumadda.

Sheekh Shariif oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi

“Walaalkaa waxbuu kaa taban karaa, khaladna wuu dhacay oo nina ma inkiri karo reer Koonfuroow maxaa idiinka talo ah arrinkaas aniga waxa ay ila tahay in aan la garnaqsano ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimi ee calanka kuu keenay haddana ku yidhi dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay marka Alle laga baqo la fadhiiso oo wax la xali, haddii aan u aragno sida aynu inagu u aragno lama heshiinayo, maxaa yeelay dadku caqli ayay leeyihiin” ayuu yidhi.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here