Dowladda Mareykanka oo ku baaqday in K/Waqooyi ay burburiso Niyukleerka

0
715

Dowladda Mareykanka oo ku baaqday in K/Waqooyi ay burburiso Niyukleerka

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi laga doonayo in ay muujiso wada shaqayn buuxda oo ku saabsan burburinta hubkeeda Niyukleerka.

La taliyaha amniga qaranka Mareykanka, John Bolton,ayaa sheegay in haddii Kuuriyada Waqooyi ay si buuxda ula shaqayso Mareykanka in muddo sanad gudaheed ah lagu burburin karo hubka Niyukleerka Kuuriyada Waqooyi.

Waxa uu intaa ku daray in Mareykanka ay ogaayeen halista ay yeelan karto in Pyongyang ay ka dhigto wadaxaajoodka mid waqti dheer qaata si ay ugu suuragsho in hormarin lagu sameeyo hubka Niyukleerka.

Mr Bolton oo la hadlayay telefishin ku yaalla dalka Mareykanka ayaa sheegay in xukuumadda Washinton ay wali sugayso in ay Kuuriyada Waqooyi shaaca ka qaado howlaheeda.

La taliyaha amniga qaranka Mareykanka, John Bolton,ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ka faaidayso in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u burburiso niyukleerka

Mr Bolton ayaa xusya Kuuriyada Waqooyi haddii ay arrintaa samayso laga qaadi lahaa cunaqabataynta lana siin lahaa gargaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here