Xulka Spain oo laga reebay wareegga 8-da kadib markii loogaga badiyay rigoorayaal

0
719

Xulka Spain oo laga reebay wareegga 8-da kadib markii loogaga badiyay rigoorayaal

Xulka Spain oo ku guuleystey koobka adduunka 2010kii ayaa  lagu reebay wareegga 16ka kadib markii xulka Ruushka uu ugaga badiyay rigoorayaal.

Ciyaar adag oo labada xul ay wada ciyaareen ayaa sagaashankii daqiiqo waxa ay ku dhamaatay barbarro 1-1 ah, hase yeeshee 30 daqiiqo oo lagu daray ayaa sidoo kale aysan wax gool ah iska dhalin labada xul.

Balse waxaa loo dhigey rigoorayaal waxaana labo rigoore iska qasaariyay ciyaartoyda xulka Spain. Xulka Spain ayaa marayay wadadii ay mareen xulalka Argentina iyo Portuqal iyadoo hore xulka Jarmalka ku harey wareegga koowaad ee ciyaaraha adduunka 2018.

Xulka Ruushka ayaa  la ciyaari doono xulalka Croatia iyo Denmark  dalkii soo badiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here