Xoghayaha guud ee Qaramada Midobay oo booqasho ku joga Bangaladesh

0
675

Xoghayaha guud ee Qaramada Midobay oo booqasho ku joga Bangaladesh

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa ku sugan dalka Bangladesh si uu u bidhaamiyo dhibaatada haysata kumannaanka qof ee qaxootiga Rohingya.

Waxa uu booqan doonaa qoysaska qaxootiga ah ee ku nool xerooyiinka si ay beesha caalamka wax badan uga qabato dhibaatooyiinkooda.

Mr Guterres ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo dalka Myanmar oo ah halka ay ka soo qaxeen qaxootigan Rohingya.

Waxa uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay sheegay in xukuumadda Myanmar uu ku cadaadin doono in ay fahanto masuuliyada ka saaran dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Qaramada midoobay ayaa horey u sheegtay in xaaladda gobolka Rakhine aysan ammaan ahayn oo aysan qaxootoga ku laaban Karin.

Gobolkaasi Rakhine waxaa ka qaxay dad ay tiradooda gaarayso 700,000 oo qof oo ah Muslimiinat Rohingya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here