Ururka Al-Shabaab Oo Bacda Ka Mamnuucday Deegaanada Ay Ka Taliyaan

0
616

Ururka Al-Shabaab Oo Bacda Ka Mamnuucday Deegaanada Ay Ka Taliyaan

Ururka Al-shabaab ee ka arrimiya qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa soo saaray amar bacda looga mamnuucayo qeybaha ay ka taliyaan.

Al-shabaab ayaa ku doodaysa in bacda ay halis ku hayso deegaanka iyo xoolaha, wixii hadda ka dambeeyana ay mamnuuc tahay.

Inkasta oo sababo illaalinta deegaanka ah ay ku doodayaan Alshabaab, haddane waxaa in badan lagu eedeeyay jarista geedaha dhuxusha laga sameeyo, taas oo ah dhibaatada ugu badan ee deegaaneed ee Soomaaliya haysata.

Dalal badan oo adduunka ka mid ah ayaa mamnuucay isticmaalka bacda, waxaana la ogaaday in bacda ay halis weyn ku tahay deegaanka iyo xayawaankaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here