Madaxweyne Trump Oo Nambar Khaldan Garaacay Iyo Codka La Duubay

0
631

Madaxweyne Trump Oo Nambar Khaldan Garaacay Iyo Codka La Duubay

(DLN-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waxaa sirey nin majaajiliiste ah oo lagu magacaabo John Melesdez , kaas oo isaga dhigay xildhibaanka Aqalka Sare ee Bob Menendez.

Ninkan ayaa wacay wiilka uu sodogga u yahay madaxweynaha Jared Kushner, kaas oo sidoo kale ah la taliyaha madaxweynaha, wuxuuna u sheegay in uu yahay xildhibaan Bob oo madaxweynaha isku aragti yihiin, kadibna Kushner ayaa Trump ku wargaliyay in la doonayo.

Trump ayaa isaga oo saaran diyaaradda Air Force One soo wacat majaajiliistaha, sheekadii dhexmartayna waxaa lagu baahiyay Internet-ka.

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in qadadka isgaarsiinta madaxweynaha ay aad u furanyihiin, taasna ay keentay in ay dad badan ka faa’iideystaan siyaabo qaldan.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa wacay xildhibaanka si ay uga xaqiijiyaan in ay madaxweynaha wada hadleen, balse aad ayuu ula yaabay, wuxuuna sheegay in uusan isaga ahayn.

Codka la duubay ayaa waxaa ka muuqda in madaxweynaha uu majaajiliistaha kala hadlay arrimo xasaasi ah, oo ay ka mid tahay dacwad xildhibaanka laga dhaafay oo laaluusha ah.

Mr John Meledez ayaa Taleefishinka CNN u sheegay in si sahlan loo aqoonsan lahaa in uusan xildhibaanka ahayn haddii la weeydiin lahaa su’aalo sahlan sida halka laga soo doorto xildhibaanka iyo xisbiga uu ka tirsanyahay, taas oo uusan isaga aqoonba u lahayn, balse aysan wax su’aalba weeydiinin ka hor inta aysan usoo xiriirin taleefoonka madaxweynaha.

Wariyaha BBC-da Tara McKelvey oo madaxweynaha la saarnayd diyaaradda markii uu wicitaanka samaynayay ayaa sheegtay in aysan la yaabanayn in kalkaaliyeyaasha madaxweynaha ay si sahlan ugu xiriiriyaan wicitaan qof aysan hubin, sababtoo ah waxa ay sheegtay in aysanba ka war haynin qofka uu qorsheynayo in uu la hadlo ama la kulmo, markasta uu si kadis ah wax ku sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here