Wiil 8 Jir Ah Oo U Dhashay Dalka Biljimka Oo Jaamacad Ku Biiraya

0
708

Wiil 8 Jir Ah Oo U Dhashay Dalka Biljimka Oo Jaamacad Ku Biiraya

(DLN-Biljimka)-Wiil u dhashay dalka Biljimka ayaa ka qalin jabiyay dugsiga sare isaga oo 8 jir ah, wuxuuna waxbarashada lixda sano qaadanaysa ku dhamaystay muddo hal sanno iyo badh.

Laurent Simons ayaa waxaa iska dhalay waalid Bimjimka u dhashay (aabihiis) iyo hooyadiis oo Dutch, waxayna sheegeen in garaadkiisa uu dhanyahay 145 IQ.

Isaga oo la hadlayay idaacada Biljimka ee RTBF ayuu sheegay in maadooyinka uu jeclaa ay ka mid ahaayeen xisaabta, wuxuuna wixii hadda ka dambeeya ku biirayaa jaamacad.

Aabihiis ayaa waxa uu sheegay in wiilkiisa ay ku adkayd in uu agabka carruurta ku ciyaaro markii uu yaraa, waxana uu intaas ku daray in uu horey u rajaynayay in uu noqdo dhaqtar qalliinka ah, balse uu hadda doonayo in uu noqdo seeynisyahan xagga kumbutuurataadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here