DEG DEG : Akhriso Qodobada Ugu Saameenta Badan ee Ka Soo Baxay Shirkii Garxajis Oo Ay Dalmarnews Heshay+MUUQAAL

0
1564

DEG DEG : Akhriso Qodobada Ugu Saameenta Badan ee Ka Soo Baxay Shirkii Garxajis Oo Ay Dalmarnews Heshay+MUUQAAL

 

Hargeisa (Dalmar-News):- Waxaa maanta si rasmi ah u soo xidhmay shir sagaalkii cisho ee ugu danbeeyey u socdey beesha Garxaajis , waxaana shirkaas oo maanta soo xidhmay laga soo saaray 8 qodob oo kala ah .

 

1.    In Midnimada In Garxajis ay ka tahay midka koowaad .

2.   In Saami qaybsiga dawlada uu yahay mid aan cadaalad ku dhisnayn

3.  In Kootada qandaraasyada dalka   cid gaara ah la siiyay

 

4.  In Sinaanshiiyo laan ay beeshu ku tirsaneyso  shaqaalaha dawlada, ciidamada , saraakiisha ciidamada iyo waxii la mid ah

5.    In Beelaha Somaliland inta tabashada qabta lala shiro si dib loogu soo noqdo Axdi qarameedkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay

6.  Shir weynaha Beelaha Garxajis waxaa uu madaxweynaha ku adkeynayaa In la tix galiyo cabashadii soo noq noqotey ee beelaha daraf yada iyo beelaha Kale ee saamigoodu maqan yahay si ay hogaanka dalka ay qeyb uga noqdaan , xaquuqdooda Distooriga ahna  helaan awood-na  u yeeshaan doorkooda hogaamineed

7.  Bulshada reer Somaliland ee Nabada jecel waxaa ay ka warhaysaa , dagaal laba sano ka socdey deeganka Ceel Afweyn ee u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah , aaney dhex ka aheyn xukuumada jirta iyo xukuumadii ka horeysay , waxaanu madaxweynaha Somaliland ugu baaqeynaa in cid kasta oo xukuumadiisa iyo golihiisa wasiirada ku jirta oo ka qeyb ah gacan bir ah ku qabto

8.  Beesha Garxajis waxaa ay dhiigeeda iyo dhuuxeedau shubtey jiritaanka iyo madax banaaninada Somaliland , si loo helo dal la wada leeyahay , beesha Garxajis waxaa kaga dhintay 10 kun oo geesi waxaana kaga naafoobey in ka badan 10 kun oogeesi , sidaas awgeed waxaa ay beesha Garxajis ay digniin culus u direysaa cid kasta oo beesha ku sheegta qaran dumis .

HOOS KA DAAWO :

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here