Daraasad Cusub oo Daahrogtay Khatarta Daalku u Leeyahay Dhakhaatiirta

0
1148

Daraasad Cusub oo Daahrogtay Khatarta Daalku u Leeyahay Dhakhaatiirta

Kubaro ka tirsan Jaamacadda Salisbury ee dalka Mareykanka ayaa hoosta ka xarriiqay in daalka dhakhaatiirta uu dhibaato ku yahay nolosha bukaanka.

Natiijada daraasaddan laga gaaray ayaa helay xogo laga soo uruuriyay 1000 dhakhtar oo ka shaqeeya isbitaallada, shaqada waqtiyo badan lagu jiro in ka badan 12-saacadood maalintii ayaa kordhiso khaladaadka dhakhaatiirtu ay galayaan oo bukaanku u dhiman karo 27%.

Khubaradii daraasaddan wadday ayaa waxey arkeen in xirfadda caafimaad ay u baahan tahay in bukaanka si xoog ah loo baaro, go’aan sax ahna la qaato xilliga ay ku habboon tahay, awoodaasi si xoog leh ayey isku dhimeysaa marka ay shaqeeyaan dhakhaatiirtu 8-saacadood oo xiriir ah muddo ka badan, gaar ahaan dhakhaatiirta qalliinka, suuxdinta iyo shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Daraasado horey loo sameeyay ayaa dhammaan waxey hoosta ka xarriiqeen in mihnadda caafimaadka, gaar ahaan shaqaalaha qeybaha gurmadka degdegga ah iyo qalliinka loo aqoonsan yahay iney ka mid yihiin shaqooyinka ugu daalka badan, sidaa darteed khubaradu waxey ku talinayaan in dadka mihanaddaa ka shaqeeyaa ay nasasho qaataan dhowr jeer sanadkii.

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here