10-ka Sababood Ee Ugu Badan Ee Ay Raggu U Geeriyoodaan!

0
1122

10-ka Sababood Ee Ugu Badan Ee Ay Raggu U Geeriyoodaan!

Jariidada “elconfidencial” ee ka soo baxday gudaha dalka Spain ayaa qortay warbixin ay kaga hadleyso sababaha ugu badan ee ragga dunidu u geeriyoodaan sanadkii.

Jariidada ayaa warbixinteeda waxey ku sheegtay in qofina ogaan karin isbedelka caafimaad ee naftiisa ku imaankara mustaqbalka. Sidaa darteed; ay lagama maarmaan tahay in aan si joogto ah ula soconno caafimaadkeenna xilli horena aan is daryeelno.

Xarumaha ka hortagga cudurada ayaa si sanadle ah u faafiya sababah ugu badan ee ay dadku u geeriyoodaan iyo cudurrada ugu badan ee ragga gaar ay u geeriyoodaan.

  1. Cuduradda Wadnaha iyo Xididada Dhiigga

Cudurka ugu badan ee ay raggu u geeriyoodaan waa wadna xanuunka, 24.4% ragga dunida ku dhaqan waxey u geeriyoodaan cudurrada wadnaha. Sababaha ugu badan ee wadna xanuunka waa dhiigkarka, cudurka sonkorowga iyo buurnida. Waddooyinka looga hortagi karo waxaa ka mid ah; balwadda sigaar cabista oo la joojiyo iyo sports-ka oo si joogto ah loo ciyaaro, cunno caafimaad oo la qaato, in laga fogaado cunnooyinka gasaacadeysan, cabitaannada fudud ee sonkortu ku badan tahay, khudaarta iyo fruits-ka oo nafta loogu roonaado.

  1. Kansarka

Cudurka kansarka waxaa sanadkii u dhinta 22.8% ragga adduunka, waa sida laga soo xigtay jamciyadda Spanish-ka ee dhanka kansarka u xilsaan, waxaa dalkaa lagu arkay dad uu hayo oo gaaraya 247.771 oo xaalad cusub, waxa uu ka gudbey xadkii qiyaasta ee khubaradu ay filayeen inuu gaari doono sanadka 2020.

  1. Shilalka Kala Duwan

Shilalka noocyadooda kala duwan waxaa sanadkii ku dhinta 6.8%; sida iney meel dheer ka soo dhacaan, shilalaka gaadiidka. sababaha looga dhowrsan karo waxaa ka mid ah inaan la aadin meelaha khatarta ah, xilliga gaariga la wadana aan la isticmaalin mobile-ka.

  1. Cudurrada Habdhiska Neefmareenka

Cuduuradda habdhiska neefmareenka waxaa sanadkii u geeriyooday 5.3% ragga adduunka. Cudurrada caanka ah waxaa ka mid ah neefta, sambabada oo ay biyo galaan, cudurka sababaha xira ee khatarta ah sababta ugu badan ee laga qaado waa sigaarka.

  1. Istroogga

Istaroogga waxaa sanadkii u geeriyooda 4.2% ragga adduunka. Sababaha keenaa waa dhiigga oo ay ku adkaato inuu maskaxda gaaro, arrintaas oo u keeneysa iney maskaxdu dhimato. Sababaha ugu badan ee looga dhowrsado waxaa ka mid ah cunno caafimaad oo la qaato iyo sigaarka oo laga fogaado.

  1. Sonkorowga

Cudurka sonkorowga waxaa sanadkii u geeriyootay 3.1% ragga adduunka, cudurka ayaa ah sonkorta oo dhiigga ku badata muddo dher. Habka ugu wanaagsan oo looga hortaggo ayaa ah in cunno wanaagsan oo nacfi leh la qaato.

  1. Is-dilid

Ragga naftooda gooya oo is-dila waxey gaarayeen 2.5%, waa tirakoobkii 2015, 85% waxaa ku badan dalka Mareykanka ee ay da’doodu u dhaxeyso 45-64 sano.

  1. Cudurka Alzheimer

Cudurkan waxaa sababtiisa u geeriyooda 2.5% ragga adduunka, cudurkan ayaa ah xasuusta oo uu qofku beelayo si tartiib tartiib ah oo dareenka qofka oo is-bedelaya. Cudurkan waxa uu ka mid ah 10 sababood oo ay dadku inta badan u dhintaan gudaha dalka Spain, dalkaas waxa uu ku dhacay 800 oo kun oo qof.

  1. Caabuqa sambabka ee “Pneumonia”

Caabuqa sambabaha waxaa u geeriyooda 2% sanadkii, waa xanuun ku dhaca sambabka oo uu keeno virus ama bakteeriya.

  1. Cudurrada Beerka ee Chronic-ga ah

Cudurada beerka waxaa sanadkii u geeriyooda 1.9% ragga adduunka.

Si kastaba, warbixintan ayaa muujineysa sababaha ugu badan ee ay raggu u geeriyoodaan, sidaa darteed waxaa muhiim ah in qof kastaa uu caafimaadkiisa ilaashado wixii dhibaato u keenayana uu la dagaalamo.

 

Xigasho:- Maandeeqfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here