Qodobkan oo Lagama Maarmaan ah Si Aad u Hesho Hurdo Caafimaad oo Xasilloon

0
999

Qodobkan oo Lagama Maarmaan ah Si Aad u Hesho Hurdo Caafimaad oo Xasilloon

Caadooyinka hurdada dadku wey ku kala duwan yihiin, laakiin waxaa la isku raacsan yahay iney muhiim tahay qolka jiifku inuu noqdo mid madow, kaas oo saameyn ku leh caafimaad maskaxda iyo jirka guud ahaan.

Daliilka ugu weyne ee farta lagu fiiqayo ayaa ah in Alle SW uu aadanaha nolosha u kala qeybiyay, habeenkii uu ka dhigay nasasho maalintiina uu ka dhigay macaash iyo mid ay shaqeystaan.

Dr. Khaalid Usaama Cabdulqani oo ka tirsan Jaamacadda Helwan ee gudaha dalka Masar oo la hadlay wergeysa “Youm7” ayaa yiri: “Iftiinka yar farriin ayuu jirka usoo dirayaa in la gaaray waqtigii nasashada, arriintaasi waxey ka garabsiineysaa jirka in la bilaabo diyaargarow Physiological ahaaneed si uu jirku u seexdo, waxaa markaa la soo saarayaa maadada Melatonin oo loo yaqaanno “hormoonka hurdada”, xubnaha oo dhani markaa waxey galayaan nasasho, markaa gamaanyo ayaa qofka qabaneysa”.

Dr. waxa uu tilmaamey, marka uu qofk seexdo qol iftimaya waxaa isbedelaya saacadda gudaha aadanaha ee loo yaqaanno saacadda biology-ga ah, xubanaha jirku markaa si ay hurdo ugu soo dhacdo wey adkaaneysaa, maadaama arrin dabeecaddii jirka ay khilaafsan  tahay.

Haddii qofku meel madow aanuu seexan karin waxa uu kula talinayaa inuu seexdo qol iftiinku ku yaryahay oo nal guduud xigeenka ah leh, isagoo weliba tilmaamay in iftiinkaasi lagu xirayo meel qolka dibaddiisa ku taalla.

Dr. Khaalid waxa uu xusay, in daraasadaha la sameeyay 95%, dadka adeegsada inta aaney seexan ka hor qalabka electronic-ga ah ee leh shaashadaha kala duwan ee midabka buluugga leh, iney arrintaasi raad aan wanaagsaneyn ku reebto soo saarista jirka ee hormoonka hurdada, xitaa haddii qolku uu yahay mugdi.

 

Maandeeq FM  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here