21-sano Ayuu Si Dulmi Ah u Xirnaa.. Lacago “Magdhow” ah oo Aad u Farabadan Ayaase Sugaya

0
842

21-sano Ayuu Si Dulmi Ah u Xirnaa.. Lacago “Magdhow” ah oo Aad u Farabadan Ayaase Sugaya

Waaxda cadaaladda Chicago ayaa Jimcihii ammar ku bixisay in 17-milyan oo dollar oo magdhow ah la siinayo qof si dulmi ah xabsi ugu xirnaa 21-sano.

Sida ay qoray Jariidada Chicago Tribune, dhacdadan ayaa taariikhdeedu ahayd sanadkii 1988, xilligaa oo  Jacques Revera lagu soo eedeeyay inuu dil gaystay, iyadoo dambi baare uu ilmo yar oo 12-jir ah ku khasbay inuu ku been abuurto oo uu yiraahdo Reveraayaa dilka ka dambeeyay.

Askarigii dambi baaraha ahaa iyo 2 ka mid ah asxaabtiisa ayaa lagu xukumey, ganaax dhan 175-kun oo dollar, ganaax edbin ah.

Revera ayaa dilka laga bari yeelay sanadkii 2011, xabsigana laga sii daayay, laakiin waxaa ka lumay 21-sano oo cimrigiisa ka mid ah oo uu ku qaatay xabsiga gudihiisa.

Tani waa markii labaad oo lacago malaayiin doolar ah ay u amreyso waaxda cadaaladda Chicago oo uu sababay dhaqanka dambi baarahan iyo saaxiibadii.

Magaalada Chicago ayaa bixisay 670-milyan oo dolar 15-sano ee la soo dhaafay, lacagtaa ayaa lagu bixiyay magdhow dad ku dhibaatooday dhaqanka saraakiisha booliska. Iyadoo ay hadda waaxda garsoorka magaaladaasi ay horyaallaan 12 fayl oo ah dacwado tan la mid ah oo saraakiisha booliska ka dhan ah.

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here