Imtixaankii Shahaadiga Oo Maanta Ka Bilaabmay Dhammaan Gobolada Somaliland Iyo Tirada Ardayda U Fadhiisatay

0
603

Imtixaankii Shahaadiga Oo Maanta Ka Bilaabmay Dhammaan Gobolada Somaliland Iyo Tirada Ardayda U Fadhiisatay

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska  Somaliland ayaa maanta qaadeysa Imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeed 2017/2018.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ‘Faratoon’ oo shaly kormeer ku tagay goobaha imtixaanka lagu galayo qaarkood, gaar ahaan dugsiga sarre ee Maxamuud Axmed Cali ee ku yaala xaafadda Maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa, ayaa waxa uu sheegay in imtixaankii uu gaadhay goobihii loogu talaggalay dhammaantood:

“Illaahay mahaddii hawlaha imtixaanku waxay u socdaan si habsami leh, dhammaan imtixaankii si nabad qab ah ayuu ku gaadhay gobollada iyo degmooyinka iyo halkii loogu talagalay wax dhib ahina weli lama soo sheegin, waxanan Illahay ka rajeynayaa in uu si nabad-qab ah inoogu soo dhammaado.”.

Waxan ardayda imtixaanka gelaysa u soo jeedinayaa in ay is-dejiyaan oo ay si kalsooni leh imtixaanka u galaan, illaahayna talo-saartaan. Waxan ardayda Illaahay uga rajeynayaa in uu ku guuleeyo oo ay noqdaan kuwo gaadha hadafkooda.

Sannadkan ayaa waxaa imtixaanka u fadhiisanaya 28-kun oo arday oo 18  ka mid ah ay yihiin ardayda ka qalinjabineysa dugsiga dhexe.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here