C/kariin Qalbi Dhagax oo ka hadlay sii deyntiisa iyo ciddii ka dambeysay in la sii daayo

0
718

C/kariin Qalbi Dhagax oo ka hadlay sii deyntiisa iyo ciddii ka dambeysay in la sii daayo

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa muddo sanad ku dhow u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah xorriyaddiisa dib ugu helay.

Qalbi Dhagax oo sii deyntiisa kaddib la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay inuu caafimaadkiisa wanaagsan yahay.

Waxaa uu sheegay in mudadii uu xirnaa uu heystay Raadiye iyo Internet- lana socday waxyaabaha ka dhacayay Caalamka iyo Gobolkaba.

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa sheegay in sii deyntiisa ay ka dambeeyeen dowladda Itoobiya, Odayaal iyo xubno ka tirsan Hey’addaha xuquuqda aadanaha ee Itoobiya.

Sawirro saacadihii u dambeeyay la soo dhigay baraha bulshada ayuu ka soo muuqday Qalbi Dhagax oo xirna dharka Suutka, isla markaana si aad ah u dhoola cadeynayay.

Baraha Bulshada ayaa waxaa gelinkii hore qabsaday warar la xiriiray sii deyntiisa inuu ka dambeeyay Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo ka mid ah oday dhaqameedyada Soomaalida Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay door ku laheyd sii deyntiisa, xataa aysan war u heyn halka uu ku xirnaa.

Bishii August ee sanadkii hore ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Qalbi Dhagax Itoobiya, waxaana arrintaas sababtay in dowladda Soomaaliya ku weysay taageero badan, isla markaana qaabkii ay u dhacday dhiibistiisa ka dhalatay carro xoog leh oo eedeymo loogu soo jeediyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here