Dab xalay ka kacay Isbitaalka Dayniile oo baabi’iyay qeybtii keydka daawada

0
776

Dab xalay ka kacay Isbitaalka Dayniile oo baabi’iyay qeybtii keydka daawada

Dab ayaa xalay ka kacay isbitaalka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare soo gaaray qeybta keydkii daawada ee Isbitaalka.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegaya in dabka ka kacay isbitaalka uu sababay cilad koronto, waxaana uu socday saacado.

Dadka deegaanka ayaa muddo la xarbiyay inay dambiyaan, waxaana markii dambe ku guuleystay inay dabka damiyaan, ka hor inta uusan gaarin gaadiidka dab damiska.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu baabi’iyay qeybtii keydka daawada iyo wixii qalab ee yiil.

Daawooyinka ku baaba’ay qeybta keydka daawooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa daawooyinka lagula tacaalo carruurta nafaqa darada heysata, daawooyinka ka hortagga shubanka iyo jadeecada.

Isbitaalka Dayniile ayaa ah isbitaal bixiya adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, waxaana uu ka mid ahaa isbitaalada tobanaankii sano ee la soo dhaafay ka howl galayay magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here