Yaa ka dambeeyey sii deynta Qalbidhagax?

0
1112

Yaa ka dambeeyey sii deynta Qalbidhagax?

Sii deynta Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbdidhagax) oo qiyaastii 24 saac laga joogo, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda ka dambaysay.

Warbaahinta qaarkeed waxay tabisay in dad ay ehel yihiin ay uga mahadceliyeen dawladda Soomaliya inay ka dambaysay sii deyntiisa.

Mar uu gelinkii dambe ee shalay u warramay BBC, sooma uusan hadal qaadin in dawladda Soomaaliya ay ku jirtay dhinacyadii ku lugta lahaa sii deyntiisa.

Dhinacyada soo daayey ayuu ku sheegay inay isugu jireen odayaal, ururka xuquuqda aadanaha ee Itoobiya iyo dawladda Itoobiya.

Hore waxaa isna u sheegay inuu ku jiro sii deyntiisa Axmed madoobe, madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Hon. Amb. Mohamed Mursal@madmursal

Goor dhoweyd waxaa isoo gaartey akhbaar uu ii soo sheegey nin wadani ah oo reer Djibouti ah, oo aad u qiireysan akhbartaasoo ah, in la sii daayey C/karin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax, hadii ay sax tahay arintaas waxan u Mahad celinayaa cidii gacan ka geysatey siideynta Qalbi-dhagax

Warbixin

Dawladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin sii deynta Qalbi dhagax, laakin guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya, Maxamed Mursal,ayaa markii uu warka soo baxay u mahadceliyey ciddii ka dambaysay sii deynta Qalbi dhagax, qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

Su’aasha mowduucan iyo qaar kale oo ku saabsan xarigiisa iyo dhiibidiisaba maanta ayaa la filayaa inuu ka hadlo Qalbidhagax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here