Madaxda Yurub oo heshiis ka gaaray muhaajiriinta

0
711

Madaxda Yurub oo heshiis ka gaaray muhaajiriinta

Hogaamiyeyaasha midowga Yurub ayaa heshiis ka gaaray siyaasadda soo galootiga, ka dib wadaxaajood uga socday magaalada Brussels.

Talyaaniga oo ah halka ay ka soo dhul billaabaan kumanaan muhaajiriin ah, oo badidood ka yimaada Afrika, ayaa ku hanajabay inuu cod qayaxan ku diidi doono gabagabada ajendaha, haddii aan aarrinta lagu caawin.

Si xeer jajajab ah ayaa loogu heshiiyey in xarumo loogu tala galayo muhaajiriinta si “mutadawacnimo” ah looga sameeyo dalalka midowga Yurub.

Waxaa lagu kala go’aamin doonaa “muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee dib loo celin doono”.

Dib u dejinta qaxootiga saxda ah ayaa iyana noqon doonta mid u dhacda mid si mutadawacnimo ah.

Sidaasoo ay tahay, ma cadda dalalka laga samayn doono xarumaha, ama qaxootiga martigelin doona.

Waxaa la kordhin doonaa dhaqaalaha loogu tala galay qorshahan si Turkiga iyo iyo dalalka Afrikaanka ay gacan uga gaystaan xakamaynta muhaajiriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here