Ciraaq oo maxaabiis qudha ka jartay

0
789

Ciraaq oo maxaabiis qudha ka jartay

Ciraaq ayaa qudha ka jartay 12 qof oo loo haystay argagixisanimo, ayadoo amarkana uu bixiyey ra’iisul wasaaraha, Xaydar al-Cabaadi.

Mr Cabaadi wuxuu sheegay in in dhamaan dadka lagu helay argagixisanimo ay tahay in la dilo, ayadoo taa looga goynayo dilka 8 qof oo la haystayaal ah oo todobaadkan ay dileen kooxda dawladda islaamiga.

Jirka la haystayaasha oo la jarjaray ayaa laga helay, ayadoo ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa, waddo ku taalla waqooyiga magaalada caasimadda ee baqadaad.

Mintidiinta ayaa ku hanjabay inay dili doonaan haddii xukuumaddu aysan sii deyn dumar Sunniyiin ah oo maxaabiix ah.

In ka badan 300 oo qof ayaa dil lagu xukumay dalka Ciraaq, kuwaasoo 1/3 ka mid ah ay dumar yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here