Xulalka Brazil iyo Switzerland oo wareegga 16ka u soo gudbay

0
779

Xulalka Brazil iyo Switzerland oo wareegga 16ka u soo gudbay

 

Xulalka dalalka Brazil iyo Switzerland ayaa u soo gudbay wareegga 16-ka iyagoo ka mid ahaa wadamada ku jirey Guruubka E waxaan guruubkan ku haray wareegga 1aad xulalka dalalka Serbia iyo Costa Rica.

Kadib markii xulka Jarmalka oo la saadaalinayay inuu ka mid yahay xulalka ugu adadag sanadkan wadamada ka qeybgalayay ciyaaraha adduunka ayaa xulka Brazil uu dadaal weyn muujiyay kulankii ay maanta la ciyaareen xulka Serbia waxayna ugaga badiyeen 2-0.

Paulinho ayaa goolka hore u saxiixay xulkiisa Brazil ayaa guusha ay gaareen xulka Brazil waxaa sii adkeeyay Thiago Silva oo gool madax ah dhaliyay dhamaadkii ciyaarta.

Hase yeeshee xulka Switzerland oo la filayay in uu guul ka keeno kulankiisii ugu dambeeyay ee xulka Costa Rica oo aan wax dhibic ah wadan.

Balse ciyaarta ayaa xulka Costa Rica waxa ay muujiyeen dadaal dheeri ah iyagoo dhibicdii ugu horeysay ay ka heleen tartanka ciyaaraha adduunka 2018 kadib markii 2-2 ay ku soo dhamaatay ciyaartoodii.

Xulka Brazil oo kaalinta 1aad ugaga soo gudbay Guruub E ayaa waxaa uu la ciyaari doonaa xulka Mexico oo kaalinta 2ad ugaga soo gudbay Guruub F, sidoo kale xulka Sweden oo kaalinta 1aad ka galay guruub F ayaa la ciyaari doona xulka Swizterland.

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here