“Nin Xadhigii Yaraa Ku Baqanaya Ma Ihi…” Boqor Buurmadow Oo Si Taxadir Leh U Hadlay

0
760

“Nin Xadhigii Yaraa Ku Baqanaya Ma Ihi…” Boqor Buurmadow Oo Si Taxadir Leh U Hadlay

 

Boqor Cismaan Maxamuud oo loo yaqaano inta badan boqor Buurmadow ayaa sheegay in aanu la hadli doonnin saxaafadda inta lagu guddo jiro bisha shuwaal. Boqorka ayaa sheegay in uu soo waddo jaal siyaasaddeed cusub.

Boqor Buurmadow oo hadal ka jeediyey madal meher oo toddobaadkan ka dhacay magaalada Hargeysa oo ay ku sugnaayeen siyaasiyiin kala duwan. Xafladda meherkan ayaa waxa ku sugnaa hoggaamiyaha xisbiga mucaridka WADDANI Xirsi Cali X Xasan, Wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta wakhtigii xukuumadda Siilaanyo Cali Mareexaan, iyo xildhibaan Aareeye oo isku saf fadhiyey.

Boqorka oo ka hadlay xafladdaasi ayaa sheegay in uu soo waddo aragti siyaasaddeed cusub dhawaan “…maanta waxaad aragtaan awalba hore ayuu u sii joogee Cali Mareexaan in uu ka soo jeedo [isku saf] ana ciddaan ahay ogaado waaniga xaggan ka jeda, markaas halkan uun baanay noqonaysaa. wanan hadlayaa [saxaafadda] laakiin shuwaalka ayaan is dhaafinayaa, nin xadhigii yaraa ku baqanaya ahi”. ayuu yidhi boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow.

Boqor Cismaan Maxamuud Boqor Buurmadow ayaa dhawaan ka soo baxay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa kaddib marki madaxwayne Muuse Biixi Cafis u fidiyey. Boqorka ayaa lagu eedeyey in uu tagey deegaano ka tirsan maamulka Puntland isla markaasina uu madal dhaqan oo halkaasi ka dhacaysay ka jeediyey hadallo ka dhan ah qaranimada Somaliland madaxwyanaha ka been abuuray.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here