Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Uga Hadashay Wefti Ka Socda Imaaraadka Carabta Oo Safar Ku Yimid Magaalada Badhan

0
748

Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Uga Hadashay Wefti Ka Socda Imaaraadka Carabta Oo Safar Ku Yimid Magaalada Badhan

 

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliand Ciise Axmed Yuusuf ayaa ka hadlay safarka wefti Imaaraadka Carabta ka socda oo shalay safar ku yimid magaalada Badhan oo ku taala Sanaag Bari. Wasiirka ayaa sheegay in weftigaasi safarkoodu aanu wax dhib ah ahayn isla markaasi ay yihiin uu keliya hay’addo deegaanadaasi ka fullinaya mashaariico khayriya – waa sida uu sheegaye.

“Waa ha’yaddo khayriya oo mutadawiciina, oo isku tag tagay, oo ka shaqeynayey hawlo ay wadeen horena way u joogeen, maanta (shalay) ayay yimaadeen waana la soconay qorshaha ay u yimaadeen waa mashriicaha khayriga ah ee ay ka wadaan deegaanka.” ayuu yidhi Ciise Axmed Xawar oo uu waramay wargeyska Geeska Afrika oo magaalada Hargeysa ka soo baxa.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in mashaariicaha ay wadaan weftigani ay yihiin dugsiyo wax barasho ah iyo dhismayaal caafimaad oo kala duwan. Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in weftigan ay la socdaan ka xukuumad ahaan oo aanay ahayn wax cusub safarkoodu.

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here