Shirkadda Facebook oo Laashay Qorshaheedii Ugu Muhiimsanaa.. Wadamada Soo Koraya oo Niyad Jab ka Qaaday

0
957

Shirkadda Facebook oo Laashay Qorshaheedii Ugu Muhiimsanaa.. Wadamada Soo Koraya oo Niyad Jab ka Qaaday

 

 

Shirkadda Facebook ayaa gebi ahaanba joojisay qorshaheeda ay ku dhiseysay diyaarad aan duuliye lahayn oo ku shaqeynaysa tamarta Qorraxda oo sarreyn ka durugsan tan diyaaraduhu ay ku duulaan loogu talagalay iney marto, si dunida soo koreysa internet-ka siiyo.

Jariidada “The Guardian” ee dalka Ingiriiska ka soo baxday ayaa qortay, Arbaca maanta ah in lagu dhawaaqay in gebi ahaanba la joojiyay naqshadeynta diyaaradda gaarka ahayd ee uu Facebook diyaarinayay.

Maamulaha Engineering-ka shirkadda Yael Maguire ayaa sheegay in go’aanka uu yimid kadib markii shirkadaha diyaaradaha ay si isasoo tareysa ay u daneynayaan iney dadka internet hawada ku siiyaan, taas oo ka dhigan in dadaal kasta oo Facebook geliso dhinacaas ay noqoneyso mid aan loo baahneyn.

Facebook ayaa hadda qorshayneysa iney la shaqeyso shirkadda Airbus ee Yurub si loo sameeyo diyaarad  internet siisa safaradda diyaaradaha.

Enjineerka diyaaradaha Ingiriiska ee la yiraahdo Andrew Cox ayaa naqshadeeyay diyaarad loo bixiyay “Aquila”, markii ay Facebook iibsatay shirkaddiisa sanadkii 2014 oo laga siistay 20 milyan oo dollar.

Aquila ayaa waxey ka mid ahayd mashruuc Internet.org, kaas oo danta laga lahaa uu ahaa “Isgaarsiin electronic ah oo isku xirta dunida oo dhan”, Drones -kan ayaa loogu talogalay iney ku duusho heer ka sarreeya kan ay diyaaradaha caalamiga ah ee gacansiga ay ku duulaan, internet lesser ku xiriirsanna ay gaarsiiso goobo dhulka ku yaalla, si wadamada soo koroyaa ay u helaan internet bilaasha ah oo Facebook laga daalacan karo.

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here