Xaaska Mugabi oo lagu tuhmayo qaraxii uu ka bad baaday Madaxweyne Emmerson

0
654

Xaaska Mugabi oo lagu tuhmayo qaraxii uu ka bad baaday Madaxweyne Emmerson

 

Waxaa dhawaan qarax dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Zimbabwe ee Bulawo, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa Madaxweynaha Zimbabwe.

Qaraxan oo ka dhacay isku soo bax Madaxweyne Emmerson Mnangagwa kula hadlayay taageeraaashiisa ayaa abuuray xiisad siyaasadeed, waxaana qaraxan uu ka dhacay meel aad ugu dhaw Madaxweynaha .

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku dhintay labo qof halka ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale uu ku jiro Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi, waxaana qaraxan Madaxweynaha ku tuhmayaa kooxo xiriir la leh Xaaska Madaxweynihii hore ee Zimbabwe.

Madaxweynaha Zimbabwe ayaa sheegay in koox lagu magacaabo G40 oo ay taageerto xaaskii madaxweynihii hore ee Zimbabwe Grace Mugabi ay ka dambeeyeen qaraxii uu ka bad baaday.

Waxa uu sheegay in qaraxaasi ka dambeeyeen dad Siyaasada ku lug leh uu sheegay in ay doonayeen in isaga dilaan si talada dalkaasi ula wareegaan, waxa uuna xusay in qorshihii kooxdaasi  guul dareestay.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo horey Madaxweyne kuxigeen ugu ahaa Robert Mugabi ayaa xilka la wareegay kadib markii Milatariga Zimbabwe xilka xoog uga tuureen Mugabi oo doonayay in Xaaskiisa talada Zimbabwe ku wareejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here