Turkiga iyo Soomaaliya oo Kala Saxiixday Heshiis Is-faham ah oo Ku Aaddan Kalluumeysiga

0
845
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-06-27 08:12:05Z | | ÿÿÿÿe_dD

Turkiga iyo Soomaaliya oo Kala Saxiixday Heshiis Is-faham ah oo Ku Aaddan Kalluumeysiga

 

Jariidada ku hadasha codka rasmiga ah ee xukuumadda Turkiga ayaa qortay Arbacada Maanta ah heshiis is-afagarad ah oo ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya, kaas oo ku aaddan kalluumeysiga iyo dhaqashada kalluunka badda.

Sida heshiisku uu dhigayo, Turkiga oo ay iskaashanayaan Soomaaliya ayaa si mas’uuliyadi ku jirto u isticmaali doona kheyraadka badda.

Heshiiskan ayaa dhigaya in wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya ay ogolaanshiyo siiso doomo iyo maraakiib Turky ah si ay uga ugaarsadaan bayahaya Soomaaliya.

Waxaa uu qorshuhu yahay in la fuliyo mashaariic wadajir ah oo Turkiga iyo Soomaaliya ah si loo hagaajiyo nidaamka ilaalinta kalluumeysiga badda.

Waxaa la aasaasayaa guddi laba dhinac ah oo fuliyanaya heshiiskan is-fahamka ah oo ah ee lagu saxiixay caasimadda Turkiga ee Ankara bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here