Xayawaan Maalin Kasta Dila 1-milyan oo Xamaarato ah!

0
1018

Xayawaan Maalin Kasta Dila 1-milyan oo Xamaarato ah!

 

Daraasad cusub oo laga sameeyay Jaamacadda “Charles Darwin” ee gudaha dalka Australia ayaa muujisay in Bisadaha guri joogga ah ay mas’uul ka yihiin dhimashada hal-milyan oo xamaarato ah maalin kasta gudaha Qaaradda Australia, laga soo bilaabo markii ay dadka reer Yurub ee deegaanka ka dhigta halkaas ay geeyaan 100-sano ka hor.

Jaamacaddan ayaa sheegtay in bisaduhu ay xasuuq u geystaan noocyo badan oo xayawaan xamaarato ah, arrintaas oo handadaad ku ah dheellitiranka deegaanka dusha sare ee Qaaraddan Australia.

Daraasaddan ayaa lagu qiyaasay tirada abeesooyinka iyo xamaaratada ku maqan bisadaha iney gaareyso 650-milyan, iyadoo celcelis ahaan bisad kastaa ay salfato 225 xamaarato ku dhaqan Australia. Sidaa darteed bisadda Australia ku nool ay cunto xamaarato ka badan Bisadaha ku dhaqan dalka Mareyka.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in bisadda kaliya ee gaajeysan ay cuni karto 35 xamaraato ah mar kaliya, taas oo dhibaato ku ah 250 nooc oo xamaarato kala duwan ah oo 11-nooc oo ka mid ah ay yihiin kuwo laga baqayo iney dabargo’aan.

Xukuumadda Australia ayaa waxey u qorsheysay 22-milyan oo dollarka Mareykanka ah si loo xadeeyo ugaarsiga bisadahu ay ku hayaan xamaaratada.

Xukuumadda ayaa silig koronto ah ku xirtay goobo (44km) oo ku xeeran goobo dabiici ah oo badka ay ku fadhiyaan uu gaarayo 9-kun oo Hiktaar, si looga hortago khatarta ay bisadu ku hayaan xamaaratada.

Xukuumadda ayaa sidoo kale qorsheynaysa in teedka darbiga ah ay ballaariso oo la gaarsiinayo dhul baaxadiitu gaareyso 100-kun oo Hiktaar, waxaana lagu soo darayaa noocyo cusub oo xamaarato ah oo dabarg’o looga baqayo, si ay u tarmaan ugaarsiga bisadahan ay uga badbaadaan.

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here