Bobby Deol “Guusha Race 3 waxaan rabaa inaan kag faa’iideesto helista mashaariic xiiso leh”

0
827

Bobby Deol “Guusha Race 3 waxaan rabaa inaan kag faa’iideesto helista mashaariic xiiso leh”

 

 

Bobby Deol wuu soo laabtay afar sano kadib wuxuu haatan ka mid yahay atoorayaasha Bollywood-ka saxaafada maalin walbo hadal heyso.

Bobby oo la hadlay wakaalada wararka IANS, wuxuu yiri “Guusha Race 3 waxaan rabaa inaan kaga faa’iideesto halista mashaariic xiiso badan”

“Maalin walbo si adag ayaan u shaqeyn doonaan sidoo kalena waxaan dadaal ugu jiraa inaan sameeyo aflaan tayo wanaagsan, muhiim iima ahan inaan hogaamiye ka noqdo filimada balse waxaa ii muhiim ah sameynta filim tayo wanaagsan oo aan door adag ku leeyahay”

Bobby Deol ayaa wax laga weydiiyay rajada uu ka qabo filimkiisa xiga Yamla Pagla Deewana Phir Se oo la daawan doono 15 Aug 2018.

Wuxuuna yiri “Marwalbo waa wax wanaagsan inaan aabo iyo walaal la shaqeeyo waayo aad ayaan isku fahanaa waxaana ku kalsoonahay in YPD Phir Se daawadayaasha ka heli doonaan madaama filim mada daalo dhameestiran leh uu yahay”

Ugu dambeyntii Bobby ayaa sheegay inuu xiiseenayo saxiixashada filimo Action ah madaama shactirada sameyntooda ka bateen madaama Poster Boys sanadkii hore uu sameeyay halka YPD Phir Se usoo baxaayo sidoo kalena dhawaan Housefull 4 uu ka hawl gali doono.

Wuxuuna yiri “Waxan siweyn u xiiseenayaa saxiixashada filimo Action ah waayo sameynta shactirada dhawaanahan wey iga badatay, waxaan kaloo ku faraxsanahay in haatan qof walbo Bollywood-ka igu soo dhaweenayo anigana diyaar ayaan u ahay inaan qof walbo la shaqeeyo”

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here